War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goordhow uu ka dagay garoonka diyaaradaha Addis Ababa ee dalka Ethiopia madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo.
Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa ka qaybgalaya shir caalami ah oo berri ka dhacaya Addis Ababa, kaasoo inta badan looga hadli doono 50 guuradii ka soo wareegatay xilligii la aasaasay ururka Midowga Afrika.
Waxaa horrey magaalada Addis Ababa u joogay wafdi kale oo ka socda Soomaaliya, waxaana hoggaaminaayay ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Madaxweynaha ayaa inta uusan ka ambabixin Muqdisho, wuxuu ka qaybgalay munaasabad ka dhacday xarunta Xalane, taasoo loogu dabaal dagayay 50 guuradii Midowga Afrika
Waxaa ka qaybgalay xafladda ka dhacday xalane saraakiil ka tirsan Midowga Afrika oo uu u hor kacayo wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed Salah Annadif iyo taliyaha ciidamada AMISOM.
Soomaaliya ayaa xubin muhiim ka tahay Ururka Midowga Afrika, waxaana ay hormuud ka ahayd waddamadii aasaasay Midowga Afrika.
Idale News Online