Madaxweyne Xasan Sheekh oo Diblumaasiyiin Kula Kulmay Magaalada Nairobi dalka Kenya.

0
228

Madaxweynaha dowlada Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulamo gooni-gooni ah kula qaatay diblumaasiyiin ka socday dalalka Yurub iyo Mareykanka.

Danjiraha dowlada Muqdisho u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Nuur (Ameerika) ayaa sheegay in danjireyaasha uu madaxweynuhu kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkooda.

Danjiraha ayaa dhinaca kale sheegay in dowladda ay waddo dedaallo lagu soo daad-guraynayo muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku xanniban dalka Koonfur-Sudan oo ay ka socdaan dagaallo sababay dhimashada kumannaan qof oo ay Soomaali ku jirtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uga qaybgalay shir hoggaamiyeyaasha dalalka ku bahoobay urur-goboleedka IGAD ay ka yeesheen sidii xal loogu heli lahaa dagaallada ka socda Koonfur-Sudan.

XASAN

Idale News Online, Nairobi.