Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan SheikhMaxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya, kadib markii dalka Kuwait uu kaga soo qeyb galay shirkii Jaamacada Carabta.
Wasiirka qorsheynta iyo Iskaashiga Saciid Cabdulaahi oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha markii Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay soo dageen ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii ay lasoo kulmeen.
Wasiirka wuxuu sheegay in Kuwait ay la tageen qorshe wanaagsan ayna kusoo guuleysteen shirkaasi, sida uu hadalka u dhigay ayna jiraan rajo badan oo dowlada Soomaaliya ay kasoo heshay shirkaasi.
Madaxweynaha ayaa intuu ku sugnaa dalka Kuwait lasoo kulmay masuuliyiin kala duwan kuwaasi oo uu kala hadlayay arimaha dalka Soomaaliya, sida wasiirka qorsheynta uu sheegay.
Idale News Online,Muqdisho