Entebbe(INO) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Entebbe ee dalka Uganda, halkaasoo uu madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni kulan qaadan doono kluan looga hadli doono arrimaha amniga gobolka, dar-dar-gelinta hawlgalada ciidanka AMISOM ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale.
Dalka Uganda ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay ciidanku ka joogaan Somalia, kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo dowladda Soomaaliya ka taageera dagaallada ay kula jirto Al-shabaab.
Xasan Sheekh ayaa socdaalka dalka Uganda kaddib, kulan kan la mid ah kula yeelan doona magaalada Djibouti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waddankaas oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegi doono booqasho.
Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia iyo madaxweynaha Somalia ayaa shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay magaalada New York bishii September ee sanadkan 2015-ka, waxayna isla garteen xoojinta hawl-gallada Dalka looga sifeynayo Al-shabaab oo uu sheegay inay khatar amniga ku hayaan gobolka iyo caalamka intiisa kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaddib socdaal ku tegi doona xarunta Sacuudi Caraabiya ee Riyaad, halkaasoo uu kaga qayb-geli doono shir madaxeedkii 4-aad ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta Ameerika.
Ugu dambeyn, Shirkaas ayaa looga hadli doono iskaashiga labada dhinac, iyadoo la filayo inay kasoo qayb-galaan 22-ka dal ee Jaamacadda Carabta ka tirsan iyo 12-ka waddan oo ka socda Koonfuurta America.
Idale News Online,Entebbe