Addis Ababa (INO) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka qeybgalay xus loo samaynaayey Jabhadaddii qawmiyadda Tigreega oo 40 Sanno kahor la dhisay lana wareegay talada Dalka Itoobiya 1991.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Itoobiya ugu qeybgalay sanad-guuradii 40-aad ee kasoo wareegatay markii uu billowday dhaqdhaqaaqa jabhaddii TPLF, oo markii dambe 1991-kii ku guuleysatay talada dalka Itoobiya.
Xuska guusha “Tigray People’s Revolutionary Front” (TPLF) ayaa ka dhacay magaalada caasimadda u ah qawmiyadda Tigreega ee Mekel.
Madaxweynaha ayaa qudbad ka jeediyay munaasabadda lagu qabtay magaalada Mekele. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya ay hormar gaartay kadib xukuumaddii kali-taliska aheyd ee xukumi jirtay ka hor 1991-kii.
“Bog Cusub ayaa u furmay xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana hada kadib labada dal u billaabaneyso iskaashi dhinaca dhaqaalaha, ammaanka iyo horumarinta guud ahaan gobolka”
Madaxda dalalka Sudan, Rwanda, Jabuuti iyo kuwa kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda iyo Toboneeyo kun oo Shacab ah.
Idale News Online,Addis Ababa.