Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Dowlada Koonfur Gallbeed Soomaaliya. ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa 25 ruux oo isugu jiray, Mas’uuliyiin iyo dad kale, xilli ay salaadii jimcaha ku dukanayeen masaajid ku dhex yaalay Hotelka.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku tilmaamay weerarkaas inuu ahaa mid argagixisinimo, isla markaana uu cadeynayo dabeecada runta ah ee ay leeyihiin Al-Shabaab sida uu yiri
“Maalin jimce ah dad islaam ah oo soo tukaday oo weliba masaajid ka soo baxay inay laayaan waxay ka turjumaysaa oo calaamad dhab ah u tahay sida ay uga fog yihiin islaanimada , sida ay uga fog yihiin diinteena”ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.