Baydhabo(INO)— Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka in muddo ka yar 30-maalmood ay ku soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed.
Shariif Xasan oo shalay ka hadlayay munaasabada ka dhacday Baydhabo oo ku saabsan soo xulista Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa sheegay in loo baahan yahay in Xildhibaanada la soo xulayo ay noqdaan kuwo karti leh.
“Waxaa idinka codsanayaa in muddo ka yar 30-ka cisho aad ku soo dhistaan baarlamaanka Koofur Galbeed, waxaa rajeynayaa inay noqdaan kuwo karti lah, oo qabta wixii dadkan u baahnaayeen”ayuu yiri Shariif Xasan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa oo shalay shirkan ka furay Baydhabo ayaa kula dar daarmay odayaasha dhaqanka inay ku soo daraan haweenka, isla markaana qoondadii loogu tala galay ee 30% ka siiyaan Baarlamaanka Koofur Galbeed
Shirkan lagu soo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa socon doona muddo 30-cisho ah, waxaana marka uu soo dhamaado la filayaa in la soo saaro liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo