Madaxweyne Obama oo Cadeeyay in la xoojiyay Duqeynta lagu haayo Daacish

0
221

Washington(INO)- Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa wuxuu cadeeyay in la kordhiyay weerarada Duqeynta dhanka Cirka ah ee lagu haayo Kooxda Daacish ee Xoogooda ka dagaalama dalalka Syria iyo Ciraaq.

Obama oo ka hadlaayay Shir Jaraa’id uu ku qabtay Xarunta Pentagon ee dalkaasi ayaa wuxuu sheegay ciidamada dalka Mareykanka inay dileen tiro ka tirsan Daacish, kadib duqeymo ay ku garaaceen.

Laakiin Madaxweynaha dalka Mareykanka waxa uu qirsan yahay dagaalka lagula jiro IS inuu yahay mid adag oo loo baahan yahay in horumar laga sameeyo.

Waxa uu intaa ku daray inay burburiyeen qaar ka mid ah adeegyada dhaqaalaha ay ka hesho kooxda sida shidaalka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ku faanay Xulafada Mareykanka uu hogaamiyo ee Syria iyo Ciraaq ka dagaalamaya inay dib u riixeen oo dhanka dhulka ah ay ka riixeen deegaano badan oo ay Daacish horay u joogtay.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ayaa weji cusub yeeshay kaddib weeraradii Paris ee Faransiiska iyo kii San Bernardino ee gobolka California ee dalka Mareykanka.

Xoghayaha Difaaca dalka Mareykanka Ash Carter ayaa u safri doona Bariga dhexe si taageero Millateri loogu raadiyo dagaalka IS lagula jiro.

Idale News Online, Washington

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here