Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo oo amray howgal si aad loo qorsheyay oo lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

0
177

Idalenews-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmajo ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay ka qeyb qaateen Ciidamada gaarka ah ee dowladda iyo ciidamo caalami ah oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Shaashweyne oo ku yaalla duleedka Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay inhol galkan qorsheysan lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaalka la dilay oo aan magaciisa la sheegin ayaa la sheegay inuu mas’uul ka ahaa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacayay magaalada Muqdisho oo dad u badan shacab lagu dilay.

“Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go’antahay in kooxaha argagaxisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Labadii todobaad ee la soo dhafaay ciidamada gaarka u tababaran ee dowladda iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa ka qeyb qaadanayay howl gal wada jir ahaa oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Howl galkii u dambeeyay ayaa waxaa lagu dilay Waaligii Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), kaddib markii lagu duqeeyay meel ku dhow deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.