Madaxweynaha xasan oo Goor dhaw xariga ka jaro Keydka shidaalka Dekede Muqdisho

0
202

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu Xariga ka jaro Keydka Haamaha Shidaalka Ee Dekedda weyn Ee Magaalada Muqdisho.

Keydka Haamaha Shidaalka Ee Dekedda Magaalada Muqdisho ayaan jirin tan iyo waxii ka danbeeyay markii ay dhacday Dowladdii Milatariga Ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre uu Hogaaminayay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sanadkii 2014-kii Xariga ka jaray dib u dayactir lagu sameeyay Keyka Haamaha Shidaalka Ee Dekedda Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay ku Keydsan doonaan Shidaalka si looga Maarmo baahida keeni karta inuu kor u kaco Shidaalka Dalkeena Soomaaliya la keeno.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isla maanta Muqdisho ku soo xiraya Shir looga hadlayay Hiigsiga oo Labadii Maalin ee la soo dhaafay ka soconayay Magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here