Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Oo Weerarey Danjiraha IGAD Ee Soomaaliya

0
225

Muqdisho (INO)—Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arimaha Gudaha iyo amniga Baarlamaanka, xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo la hadlay Warbaahinta ayaa eedeymo kulul u jeediyay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Afeey, isagoo ku eedeeyay in uu wax ka ogaa Dagaal horey uga dhacay Magaalada Kismaayo kaaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Kenya iyo Ciidamo taabacsanaa Axmed Madoobe oo dhinac iyo Madaxweynayaal Xiligaasi lagu doortay magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Jeesoow, ayaa sidoo kale ku eedeeyay in Danjire Afeey uu mas’uul ka yahay Xasuuqa ka dhacay Magaalada Kismaayo xiligaasi waxuuna xusay in Safiirkaasi uu ka dhiidhiyay Dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo balse uusan soo hadal qaadin kii Kismaayo.

Sidoo kale Guddoomiye Jeesoow ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatada Dalka ka jirto uu doorweyn ka cayaaray islamarkaana uu qeyb ka yahay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Mudane Daahir Amiin Jeesoow ayaa dhinaca kale waxuu tilmaamay in dacwad ka dhan ah Mr. Afeey ay u gudbiyeen Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee ICC taa oo la xiriirta dhibaatooyinka uu ka geystay Soomaaliya waxuuna intaasi ku daray Jeesoow in go’aankii Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku kala direen Wakiiladii Baarlamaana Jubaland uu aad uga xumaa Danjire Afeey.

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Afeey, oo dhawaan gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kadib Dagaal halkaasi ka qarxay ayaa hadal uu ka jeediyay halkaasi waxuu ku sheegay in lala xisaabtami doono Ciddii ka dambesay Dagaalkaasi

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here