Muqdisho (INO)—Ciidamada Amaanka iyo Booliska Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saaka adkeeyay amaanka guud ee Magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in Maanta uu soo gaaro Wafdi ballaaran ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqashadan uu ku imaan doono Magaalada Muqdisho waxey noqon doontii booqashdiisii 3-aad ee uu ku yimaada Dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa markii uu yimaado Caasimada Soomaaliya waxuu furi doonaan Safaaradooda dhawaan ay ka dhiseen Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, Madaxweyne Erdogan ayaa furintaan Safaarada kadib waxuu la kulmi doonaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Boqolaal Askari ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Muqdisho, maadaama maalin ka hor Al Shabaab Weerar xoogan ku qaadeen Hoteelka Ambaasador ee Magalada Muqdisho.
Weerarkaasi ay sheegteen Al Shabaab ayaa galaaftay nolosha in ka badan 20 Ruux, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 50 kale, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho