Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay iney sii socon doonaan kulamada looga hadlayo geedi socodka hanaanka doorasho ee 2016-ka,kuwaasi oo lagu dhageysanayo aragtida shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shir kale oo lagu go’aaminayo hanaanka doorasho ee 2016 iyo qaabka kale ee doorasho lagu wajahayo sanadka 2020, isla markaana ka dhici doono magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka qeyb galaya madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalida marba marka ka sii dambeysa ay muujinayaan biseyl siyaasadeed oo aayahooda ay ku go’aaminayaan.
“Muddadii madashan ay socotey waxaan yeelaney doodo aad muhiim u ah, oo ku saabsan nooca doorasho ee aan yeelan doonno sannadka soo socda. Waxaan shacabka u sheegayaa in madashan ay guul ku soo dhammaatey. Waxaan isla gaarney heshiis meel dhexe ah oo cid walba rabitaankeeda la dhegeystey. Ma jirto cid wax waliba oo ay rabtey wada heli karta, wadatashiga dhabta ahna waa kan ra’yiga la isku darsado, kadibna si wadajir ah loo qaato qaar ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee dhinacyada ay soo jeediyaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhageysiga ra’yiga shacabka qaadashada fikirkooda si loo saxo waxyaabihii qaldan.
“Shacabka Soomaaliyeed markasta Talo iyo Fikir intaba wey ku leeyihiin Dowlada Federaalka,balse Shacabka ha dul qaataan mararka qaar ee Madaxda Soomaalida ay qaataan Go’aano adag”ayuu yuri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya ka jira uu yahay ku meel gaar, sidaa darteedna wax walba oo muhiim ah oo dastuurka aan ku xusnayn ay khasab noqoto in sidan oo kale ay madaxda isku xilqaamaan si ay xal u gaaraan.
Ugu dambeyn Madaxweynaha u mahad celiyay shacabkii Soomaaliyeed ee fikradahooda ka dhiibtay hannaanka doorasho ee ay jeclaan lahaayeen, isagoo tallaabadaasi ku tilmaamay inay tusaale wacan u tahay hadafka Soomaaliya ee ah in shacabku ugu dambeyn ay helaan nidaam doorasho oo qof iyo cod ah.
Idale News Online, Muqdisho