Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii garoonka diyaaradaha Istanbul

0
330

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa si adag u cambaareeyay Weerakii Argagixiso ee lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Ataturk ee magaalda Istanbul.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid waxuushnimo ah, waxaa lagu tilmaamay in ujeedka weerarkaas argagixisada ka leedahay ay tahay in dadka maatida lagu laayo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Caalamka inay u midoobaan la dagaalanka Argagixisada oo caadeystay daadinta dhiigga dadka aan waxba galabsan.

Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray Madaxda dowladda Turkiga iyo Ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, sidoo kale waxaa uu alle uga baryay inuu caafimaad dadkii ku dhaawacmay.

“Anigoo ku hadlayo magaca Umada Soomaaliyeed waxaan Tacsi u dirayaa Madaxda Dowlada Turkiga iyo Shacabkii ay wax yeelada ka soo gaartay weerarka kooxaha Argagixisada ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Istanbul, waxaana alle ugu baryaa Dadkii ku dhaawacmay in alle Deg deg caafimaad siiyo, ayuu yiri Madaxweynaha.

Weerarkii garoonka diyaaradaha Ataturk ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30-ruux, halka 150 kale ku dhaawacmeen.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay