Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo aysan u suurtogalin ka qeybgalka shirka Irland ee G8. soona gaarey Nairobi

0
187

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka soo duulay magaalada London, halkaasoo labadii maalmood uu ku sugnaa, iyadoo uu ku soo jeedo magaalada Nairobi.
MadaxweyneXasan
Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha ayaa shalay magaalada London kaga qeyb galay shir horu dhac u ahaa shirka G8, isagoo ka jeediyay Khudbad uu uga hadlayay xaalada dalka Soomaaliya.

Hase ahaatee Madaxweynaha ayaan u suura gelin inuu ka qeyb galo shirka madaxda dalalka ku hormaray warshadaha ee G8 ee ka dhacaya dalka Ireland ee Boqortooyada Britain.

Laakiin wafdiga Madaxweynaha ayaa arrimihii ay u socdeen iyo waxyaabihii ay kaga tala galeen shirkaas waxay u gudbiyeen dowladda Ingiriiska, waxaana lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Britan uu shirka ka jeediyay warbixinta arrimaha Soomaaliya madaxda ka soo qeyb galeysa shirka caalamiga ee G8

Madaxweynaha ayaa ka mid ahaa madaxda caalamka ee ka qeybgalay xafladda Boqortooyada Ingiriiska Queen Elizabeth II oo ah markii ugu horreysey ee Madaxweyne Soomaaliyeed lagu casuumo xafladan muhiimka ah oo muujineysa sida David Cameron uu taageersan yahay dowladda Soomaaliya.