Hargeysa(INO)— Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa magacaabay Guddi ka kooban shan xubnood, kuwaasoo dhex dhexaadinaya khilaafka ka dhex taagan xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Khilaafka ka dhex bilowday Xisbiga Kulmiye ayaa sababay in Wasiiro miisaan culus ku lahaa Xukuumadda Siilaanyo ay is casileen, markii la isku qabtay loolanka madaxtinimada Xisbiga iyo musharaxiinta u tartamaya.
Saddex musharax oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in shirka Golaha dhexe ee 10-ka bisha ka dhici doona Hargeysa uu u afduuban yahay musharax kaliya oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mr Muuse Biixi.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa xalay goor dambe magacaabay Guddigan dhex dhexaadinaya khilaafka Xisbiga oo kala ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland, Wasiirka Gaashaandhiga, Guddoomiyaha Guddiga Maamul wanaaga,
Guddoomiyaha Akadeemiyada Nabadda iyo Horumarinta iyo Agaasimaha Maamulka ee Guddiga la dagaalanka HIV/AIDS.
Siilaanyo ayaa sheegay in Guddigan uu si madax banaan u hubin doono in wax khalad ka jiraan liisaska xubnaha Golaha dhexe iyo qaabka loo diiwaan geliyay.
Qaar ka mid ah Wasiiradii is casilay ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Siilaanyo in aanu dhex dhexaad aheyn, isla markaana uu la safan yahay hal dhinac, taasoo jahwareer siyaasadeed ka dhex abuurtay Xisbiga talada haya.
Xiisada siyaasadeed ee ka jira Somaliland, gaar ahaan Xisbiga talada haya ayaa aad looga hadal haya deegaanada Somaliland, waxaana la ogeyn musharaxa ka soo dhex bixi doona Xisbiga talada haya ee u tartama doorashada Madaxweynaha ee sanadka 2017 dhici doonta.
Idale News Online, Hargeysa