Garowe(INO)— Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada Garowe ayaa ka warbixiyay khasaaraha uu dhaliyay roobab dabeylo wata oo ku dhuftay qeybo ka mid ah deegaanada Gobolada Bari.
Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay in deegaano ka tirsan Gobollada Bari iyo Gardafuu ay khasaare xoogan ay u geystee duufaanta, waxaana uu xusay inay ku dumeen guryo badan, goobo ganacsi, halka ay go’een wadooyin halbowle u ah isu socodka dadka iyo gaaiidka .
“Dabeylahaasi waxay burburiyeen goobihii loogu shaqeynayayey arrimaha bulshada ,sida goobaha waxbarashada ,caafimaadka iyo xarumihii maamulka ee caluula iyo bareeda”ayuu yiri Madaxweyne Gaas .
Wadooyinka go’ay waxaa ka mid ah wadada gasha Qandala, wadada isku xirta Baargaal, Caluula , Bareeda iyo murcanyo, waana wadada loo yaqaan lafa goray oo muhiim u ah dadka deeganadaasi.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu baaqay in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka deeganadaasi, iyagoona ku hal qabsanaya halkudhigii madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato.
“Beesha caalamka waxaan ka codsnaynaa inay taageero ka geystaan baahida dadkaas la soo daristay sida cuntada , hoyga , caafimaadka iyo wixii lamid ah”ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dhankooda ay qaadanayaan waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aadan u kaalmeynta dadka deeganadaasi ee ay saameysay duufaantu .
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Baashaa@www.idalenews.com