Madaxweynaha oo difaacay sababta 700 oo askari shaqadii looga buriyay.

0
216

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu meesha ka saaray in ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku shaqeeyaan lacag la’aan.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si kulul ubeeniyay wararka ku aadan in ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qaadan wax mushaar ah, waxaana uu sheegay in wararka noocaasi ay yihiin kuwa barobagaando ah oo laga faafiyay ciidanka.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay jiri karaan bil iyo wax lamid ah inay soo daahaan mushaarka ciidanka, balse gabi ahaanba aysan jirin ciidan aan mushaar qaadan oo Dowladda Soomaaliya ushaqeeya.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu kaloo ka hadlay ciidankii dhawaan shaqada laga eryay oo taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya ka saaray ciidanmadii, waxaana uu sheegay in ciidanka noocaasi ay yihiin kuwa aan Dowladda ka tirsaneyn.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in 709 askari shaqadii laga ruqseeyay, ayna ahaayeen kuwa aan shaqo hayn, wuxuuna sheegay in Hay’adaha ammaanka Dowladda aysan aheyn Hay’ado samafal balse ay yihiin kuwa udhimanaya dalka iyo dadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilaa inaysan bixin mushaarka ciidanka Dowladda, taasi oo jirta ayaa dhawaan shaqadii ciidanka laga eryay ciidamo gaarayo ilaa 700.

xasan sheekh1
Idale News Online Muqdisho.