Madaxweynaha KG Soomaaliya Oo Gaaray Degmada Xudur

0
235

Xudur ( INO)-Guddoomiye ku xigeenka Degmada Xudur ee Maamulka Gobolka Bakool Mustaf Aadan Xuseen la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ka warbixiyay safar ay Magaaladaasi ku gaareen wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan  wuxuuna ku tilmaamay u jeedka booqashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ee halkaas u kuur galida xaaladda guud ee ka jirta Gobolka Bakool.

Isagoo sii hadlayay guddoomiye ku xigeenka degmada Xudur ayaa waxa uu qeexay in Madaxweyne Shariif Xasan uu halkaas kulamo kula qaatay Odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada kaas oo ku qotomay maamul dhawaan looga dhawaaqay Gobolka Bakool wuxuuna xusay in Odayaasha aysan aqoonsaneen maamulka la Magac baxay Bakool Sare , shaqsiyaadka soo abaabulayna ay yihiin kuwa colaad ka hurinaya Gobolkaas.

Geesta kale Guddoomiye ku xigeenka Degmada Xudur ee Maamulka Gobolka Bakool Mustaf Aadan Xuseen ayaa xusay in sidoo kale Saraakiisha AMISOM ee Xudur ku sugan gaar ahaan kuwa Ethiopia kulan uu la yeeshay Shariif Xasan  in ay kaga hadleen xaqiijinta ammaanka iyo dar dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayey ahayd markii Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya safarro kala duwan ku bixiyeen deegaanno iyo degmooyin hoostaga Gobolka Bakool si ay ugu kuur galaan xaaladda halkaas ka jirta iyagoo dadka halkaas ku dhaqanna kala hadlay arrimo ku saabsan midninimadood

Idale News Online, Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here