Muqdisho(INO)-Madaxweynha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Iyo wefdi Uu hogaaminayo Ayaa Maanta Soo gaarey Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Wadanka Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aada iyo wefidiisa ayaa waxay safaro ku kala bixiyeen Wadamada Itoobiya Iyo Kenya kuwaasoo Ciidamado Nabad ilaalin ah ka Joogo Koonfurta Iyo Koonfur Galbeed Soomaliya, isla markaana Kulamo uu La Soo Yeeshey madaxda Dalalkaasi.
Ka dib markii Uu soo gaarey Magaalada Muqdisho Madaxweynaha KG Soomaaliya, waxa uu Kulan deg deg ah la qaatey, Saraakiisha Ciidamda AMISOM Ee ku Sugan Muqdisho isla markaana waxa uu si Weyn u cambaarayey Wareerkii Xoogaga Mayalka Adag ee Soomaalida Al-shabaab ay Ku qaadeen Xeradda Ciidamada Burunadi Ee Degaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasoo Diley in ka badan 50 ka tirsan Ciidamada Burundi oo Qiib ka ah Kuwa nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamda Burunadi.
Idale News Onlne, Muqdisho