Jiddah(INO)-Wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda koonfur galbeed Soomaaliya mudane shariif xasan sheekh aadan ayaa maanta si weyn looga soo dhaweeyey magaalada Jiddah ee wadanka boqortooyadda Sacuudi carabiya.
Wefdiga waxaa ka qiib ka ah wasiiro ka tirsan dowladd Koonfur galbeed soomaaliya iyo Safiirkii hore ee soomaaliya dalka kenya danjire maxamed cali Americo iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa garoonka si weyn ugu soo dhaweeyey Wakiilka Ururka Mutamarka ee Calaamka Islaamka ee Xafiiska Soomaaliya Ex Xildhibaan Cismaan Buube Rooble iyo Ku Xigeenkiisa Axmed Bawaafid, Wakiilka dowladda koonfur galbeed soomaaliya Ee Sacuudiga Dauud maxamed Lugayare, Gudoomiyaha Jaalliyadda KGS ee dalka Sacuudiga Cumar Bongo, Nuur Siidow, oo ah Xoghayaha Hay’ada horumarinta Koonfur Galbeed soomaaliya, Cismaan Jeelle Maxamed oo Xoghaya warfaafinta Iyo Boollo Abuukar Xuseen oo ah gudoomiyaha Haweenka Digil iyio Mirifle ee Dalka Sacuudiga iyo Mayow Cabbulle Shidow.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu casumaad rasmi ah ka heley Ururka Mutamarka ee caalamka islaaam-ka isla markaana waxaana uu la kulmeya Gudoomiyaha Ururkaasi Dr. Cabdallah Cumar Naseif
Ugu dambeeyntii, Inta uu joogo Dalka Sacuudiga waxa uu la kulmayo Jaaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qiibaha kale bulshada soomaaliyeed waxaana uu kala hadli doona sidii looga wada qiib qaadan lahaa Horumarinta Degaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo
Fillo Sawiro, Iyo Vido
Idale News Online, Jiddah