Muqdisho(INO)— Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad sida Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo lagu wado in loo galbiyo halka uu shirka ka dhacayo oo ah Hotelka Peace.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo dhoweeyay wafdiga Madaxweynaha Kenya Hotelka uu ka dhacayo shir madaxeedka IGAD.
Madaxweynaha Kenya ayaa ku biiraya Madaxda IGAD ee soo xaadiray Muqdisho, sida Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo ka kala socota dalalka Kenya, Jabuuti iyo kuwa kale.
Shirka IGAD ayaa dhici doona saacadaha soo socda, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan looga hadlayo arrimaha Koofurta Sudan iyo xaalada Soomaaliya doorashooyinka dhici doona.