Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey ka dib markii uu wadanka da’da yar ee South Sudan magaalo maddaxdiisa Juba kaga soo qeybgaley munaasabad balaaran oo lagu xusaayey sanadguuradii 2aad ee madax banaanida dalkaasi.
Mudadii 2da cisho ee madaxweynuhu ku joogey dalka South Sudan ayaa waxaa uu kulmo is dabajooga la yeeshey Madaxweyne Zulfikiir, iyo Madaxweyneyaashii kale ee munaasabadaasi joob jooga ka ahaa, Waxuuna si gaar ah kulan barlaaran ula yeeshey jaaliyada Soomaaliyeed ee wadankaasi ku dhaqan.
Madaxweynaha ayaa Airport Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyey masuuliyiinta sare ee dowlada Somalia isagoo isla maantaba guda galey howlo badan oo uu madaxweynuhu doonaayo in uu bishaan Ramadaan si wadajir ah Barlamaanka iyo Xukuumada u wada furdaamiyaan.
Idale News Online, Mogadishu