Madaxweynaha Galmudug Guuleed oo sheegay inuu yahay Madaxweynaha Hiiraan iyo Sh/dhexe

0
226

Baledweyne(INO)—Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed oo ka mid ahaa wafdi maanta u tagay magaalada Beledweyn xalinta dagaal beeleedka ka socday maalmahan ayaa sheegtay inuu yahay Madaxweynaha gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qeyb ka ah wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo maanta gaaray Beledweyn, si ay uga qeyb qaataan dadaalada lagu dhex dhexaadinayo beelihii ku dagaalamay Xaafada Howl-wadaag.

Isagoo ka hadlayay kulan ay kula qaateen magaalada Beledweyn odayaal iyo waxgarad ayuu sheegay in maadaama uusan haatan jirin maamul goboleed loo dhisay gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe in isagu uu yahay Madaxweynaha labada gobol.

“Aniga waxaa ahay reer Beledweyn iyo reer hiiraan, magaaladan xudunteeda ku duugan tahay, ka sokow inaan ahay Madaxweynaha Galmudug, dhinaca kalena waxaa ahay Madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, inta aan maamul goboleedka looga dhisayo, mar hadaan deegaankan ka soo jeedo iyo mar inaan ahay Madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ahay inta Madaxweyne ka dooranayaan ayaa isoo dhaqaajisay”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug oo hadalkaas si kaftan ku jira u yiri.

Sidoo kale waxaa uu xusay inay dhexda u xeran doonaan sidii colaada loo joojin lahaayeen, isla markaana aysan cidna ka baryeyn in xabada la joojiyo.

“Beledweyn waligeed waxay aheyd caasimadii Gobolada Dhexe, wayna ahaan doontaa, waxaa u imid xabada in la joojiyo shuruud la’aan waxaa u imid dadka walaalaha ee dhibka dhex maray ee is dilaya, inaan gacanta qabano oo aan joojin, xabada in la joojiyo cid aan ka baryeyna ma jirto, xoog ayaa ku joojineynaa, wada hadal ku joojinaa, walaalnimo ku joojineynaa meeshey nala tagtaa ku joojineynaa”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Mr Guuleed ayaa ugu baaqay labada dhinac inay nabada qaataan, isla markaana si walaalnimo ku jirta ay u heshiiyaan, una turaan shacabka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay siyaasiyiinta labada gobol ka soo jeeda oo ku aadan hadalkan kaftanka ahaa ee ka soo yeeray Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana markii dhinac loo fiiriyana u muuqdaa mid loo arko awooda iyo galaan-galka uu wali ku dhex leeyahay dowladda federaalka, gaar ahaan xiriirka dhow ee  kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh oo saaxib dhow ay yihiin.

Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa inay dhameystirto dhismaha maamulada federaalka, iyadoo maamulka kaliya ee harsan uu yahay Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, kaasoo ay caqabad badan ku hor-gudban tahay.

Idale News Online, Baledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here