M/weynaha dalka Faransiiska Francois Hollande oo magaalada Paris kula kulmay M/weynaha Soomaaliya Xasan Sh, Max’ud ayaa sheegay inay tababaro dheeraad ah siin doonaan ciidamada dawlada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan sugida amaanka dalka oo dhan.
Wakaaladda wararka AFP ayaa ku waramaysa in M/weyne Francois Hollande oo kulan saacado badan qaatay la yeeshay M/waynaha Soomaaliya inuu u balan qaaday in saraakiil Faransiis ah ay tababar siin doonaan ciidamada Soomaaliya oo ay ka caawin doonaan sugida amaanka dalka sida lagu yiri war kasoo baxay xafiiska M/weynaha Faransiiska
M/weyne Hollande waxaa uu sidoo kale sheegay in xukuumadiisa ay qaadayso tilaabooyinb hor leh oo ay dawlada Soomaaliya kaga caawinayso tayaynta ciidamada.
“M/weynaha waxaa uu soo dhaweynayaa guulaha ay ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Xarakadda Al-Shabab gaar ahaan ka saaristii ay ka saareen degmada BA.
Idale News Online