Madaxweynaha Dalka Brundi oo Soo Gaarey Magaalada Muqdisho.

0
209

Madaxweynaha dalka Burundi ayaa goordhaweyd kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud. 


Madaxweynaha Dalka Burundi Mr. Pierre NKurunziza oo booqashadiisa Muqdisho ay tahay mid lama filaan ah ayaa hada wuxuu shir Garoonka Muqdisho kula leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka aan ka heleyno Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalaada Muqdisho ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay amaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde uu hada kusugan yahay Madaxweynaha Dalka Burundi.

Dalka Burundi wuxuu kamid yahay dalalka ciidanka Afrikaanta ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya, ciidamadaasi oo AMISOM ka tirsan.

Muqdisho1

Idale News Online, Muqdisho.