Madaxweynaha cusub ee Marekanka oo dagaalkii Ciraaq khalad ku tilmaamay

0
204

Muqdisho (INO) Madaxweynaha la filaya dhawaan inuu xilka la wareego ee dalka Marekanka,Donald Trump ayaa si cad u sheegay inuu khalad ahaa dagaalkii lugu qaaday dalka Ciraaq oo marka xilka looga tuuray,Saadaam Xuseen.

Marekanka ayuu sheegay dagaalka inuu ku noqonayo go’aankii ugu xumaa ee taarikhda soo mara,sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay wargeysyo ka soo baxa dalalka Britain iyo Jarmalka.

Dowladda Jarmalka ayuu ku dhaliilay inay albaabada u furaan dadka muhaajiriinta ah ee ka soo cararay waddamada ay colaadda ka taagan tahay,wuxuu sheegay in laga doonayay aag nabdoon oo laga sameeyo gudaha dalka Ciraaq.

Dhaqaalo kasta oo ku baxaya aaga lugu deegaammeynayo dadka Ciraaq ee dagaallada ka soo barakacay ayuu sheegay in laga doonayo inay bixiyaan Khaliijka Carabta oo uu sheegay in ay haystaan dhaqaale aad u badan oo aysan jirin cid kale oo haysata.

Wareysiga uu bixiyay madaxweynaha cusub ee Marekanka wuxuu ku soo qaaday wax-yaabaha uu doonayo in wax laga badalo marka uu xukunka la wareego,waxa ugu horreeya wuxuu ka dhigay in uu wax ka badalo heshiisyada ganacsiga ku saabsan ee Mareykanka la leeyahay waddamada caalamka, si buu yir ganacsiga loogu sinnaado.

Donald Trump , waxaa kalo uu caddeeyay in uu diyaar u yahay in uu heshiis la galo Ruushka, kaa oo lagu yareynayo hubka niyuukleerka, taa badalkeedana Mareykanka uu xayiraadaha ka qaadi doono xukuumadda Moscow.

Waddamada ku bahoobay gaashaanbuurta NATO ayuu ku wargaliyay in looga fadhiyo dhaqaalo badan oo ay ku bixiyaan ciidamada NATO,Marekanka ayaana taageerro badan siin jiray gaashaanbuurta NATO.

Trump, wuxuu xilka kala wareegaya 20 bishan Janaayo,madaxweynaha uu watiga ka dhammaaday ee Obama,marka oo la filaya inuu qaado tallaabooyinkiisa ugu horreeya.