Dhageyso: Aqoonyahan Inj. Saadiq C/laahi Cabdi Oo Si Diiran U Soo Dhaweeyey Doorashada Gudoonka BFS

0
194

Baydhabo(INO)- Aqoonyahan Inj. Saadiq C/laahi Cabdi oo ka mid ah Aqoonyahnada Soomaliyeed isla markaana ku dhaqan Dalka Mareykanka ayaa soo dhaweeyey Doorashada Gudoonka Baarlamanka Soomaaliya oo Dhawaan mar kale loo Doortey Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, isagoona xusay in Jawaari uu yahay Qof Khibrad u leh arimaha Baarlamanka Somalia.

‘Doorashadaas waxay ahayd Guul umada Soomaaliyeed u soo hooyatey, waa mid umada Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin gaar ahaan dadka ka soojeeda Degaanada Beesha DM oo runtii u baahan mas’uuliyiin Khibrad iyo aqoon dhee u leh dhinac arimaha siyaasada Somalia” ayuu yiri Inj. Saadiq C/laahi Cabdi.

Dhinac kale aqoonyahanku waxa uu dhaliiley waxqabad la’aanta Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aaden,isagoona Xusey in hadii Maamulkuu ka baxo KMG  uu heli lahaa taagyeero badan.

“ Madaxweynaha kuma uusan imaanin rabitaanka shacabka, Waa nasiib daro, Baarlamankii abood uma lahan inuu la xisaabtam Madaxweynaha KGS ” ayuu yiri mar kale.

Ugu damneyntii waxa uu ku baaqay in loo gurmado dadka abaarta iyo Biyo la’aanta ku haysta Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystirsan

Wariye Yasin Cali, Toronto, Canada