Baydhabo(INO)-Madaxweynaha maamulka koofur galbeed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya iyo mooshinkii xildhibaanada ay ka gudbiyeen ra’iisul wasaaraha dalka.
Shariif Xasan Sheikh Aadan oo maalmo ka hor loo doortay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa hadalkiisa si sarbeeban waxaa kaga muuqatay inuu la safan yahay dhanka madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Shariif Xasan, wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaraha ay xaq u leeyihiin ayna u gudbin karaan gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka mar haddii uu qabtaa mooshinka loo baahan yahay in laga doodo, laakiin aysan wanaagsaneyn in buuq iyo qeylo lagu soo dhameeyo fadhiyada baarlamaanka.
“Marka hore wuu celin karaa gudoomiyaha baarlamaanka mooshinka, laakiin mar haddii uu qabtaa waxaa loo baahan yahay in laga doodo”sidaasi ayuu yiri madaxweynaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Hadalkaan ayuu jeediyay kadib wareysi uu siiyay Idaacada Dalsan oo ku taala magaalada Muqdisho.