Madaxweybe Ku xigeenka Dowlada KGsoomaaliya ,Maxamuud Sayid” Raisalwasaare Cabdiweli waxaa uu u galay Jabhada Raskamboni”.

0
192

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Konfur Galbeed Somalia  Mudane Maxamuud Sayid Adan  ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadlay  Socdaalka Raisalwasaraha Somalia uu ku jogo Magaalada Kismaayo..

Maxamuud Sayid Adan ayaa waxaa uu sheegay in Raisalwasaraha uu wado qaldan u maray howlaha uu hada ka wado  Magaalada Kismaaayo.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha ku xigeenka Maamulka Konfur galbeed Somalia in waxaa kismaayo ka dhacay aysan ahayn wax sahlan  oo ku kooban  Ciidamo gadoday balse waxaa meesha ka dhacay Xasuuq, Baracicin  shacab, Ganacsato iyo waliba Odayaashi Dhaqanka Beesha oo ay wada gaysten Ciidamada  Kenya iyo Jabhada Raskambooni.

Maxamuud Sayid adan  waxaa uu ayaan dar ku tilmaamay in dhaaman Gabod faladaasi lo gaystay Shacabka Kismaayo uu RW Cabdiweli iska indho tiray  islamarkana uu u hilobay dadkii  dhibatada intaas le,eg  u gaystay Shacabka Jubboyinka  marti uu u yahay.

Asagoo hadalkiisa sii wata Maxamuud sayid aadan ayaa waxaa uu Raisalwasaraha Somalia  ku edeyay in uu dhaqmaayo sidii shaqsi ka mid ah Taageereyaasha Jabhada Raskambooni oo ayadu  xasuuq  indho la,an ah ka wada Magaalada Kismaayo.

Ugu danbeyn Maxamuud Sayid Adan waxaa u ugu baqay Raisalwasaraha Somalia in uu si cadaalad ah u wajaho arimaha Kismaayo hadusan taas sameynina uu ku fashilmi doono.

sayid aadan

Idale News Online, Baydhaba