G.Fartaag iyo Gudoonka Baarlamanka Jubba Oo Baydhabo Gaaray

0
212

Baydhabo(INO) —Ayadoo maanta magaalada  Baydhabo ay ka socoto munaasibad lagu caleemosaarayo gudoonka baarlamanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaa magaalada Baydhabo gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee JubbaC/qaadir Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Madaxweeynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Gudoonka baarlamanka Jubba Cabdi Max’ed C/raxmaan iyo xubno ka tirsan Jubba.

Wafdiga Madaxweeyne kuxigeenka ayaa waxaa garooonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed.

Madaxweeyne kuxigeenka oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in Baydhabo ay u yimaadeen sidii ay uga qeybgali lahaayeen munaasibadda caleemo saarka gudoonka Baarlamanka.

Soo dhaweyn kadib waxaa masuuliyiintani la geeyay hoolka ay ka dhaceeyso munaasibadda caleemosaarka gudoonka baarlamanka Koonfur Galbeed halkaasoo ay ku suganyihiin masuuliyiin ka kala socota dowladda dhexe ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo masuuliyiin kale oo ka socota beesha caalamka.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here