Idalenews- Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa soo fara geliyay xiisada u dhaxeysa Wasiirka Dastuurka iyo Xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo kulan Baarlamaanka uu go’aan uga gaari lahaa xil heynta Wasiirka uu shalay u baaqday kooram la’aan, kaddib markii Xildhibaanada difaaci lahaa Wasiirka ay si ku tala gal ah uga baaqsadeen kulanka.
Kulamo gaar gaar ah ayaa xalay illaa shalay ka socday Madaxtooyada, kaasoo xal looga gaarayay mooshinka ka yaalla Wasiir Xoosh oo laga cabsi qabo inuu xilkiisa ku waayo.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si toos u soo fara geliyay xiisada u dhaxeysa Wasiir Xoosh iyo Baarlamaanka, waxaana illaa xal haatan la dejiyay xiisadii xoogganeyd.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gelinkii dambe illaa xalay kulamo la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada diidan Wasiir Xoosh, waxaana qaarkood ay wali ku adkeysanayaan inay la xisaabtamaan Wasiirka.
Kulamada xal ka gaarista mooshinka laga keenay Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Guddoonka Baarlamaanka oo qaarkood gadaal ka riixayay, hase ahaatee xalay markii Madaxweynaha is arkeen ayaa la isku afgartay in la xaliyo, si meesha looga saaro.
Xildhibaanada ayaa ka careysan hadalo uu Wasiir Xoosh ku weeraray Xildhibaanada, kaasoo uu ku soo qoray barahiisa bulshada, waxaana dalabka ay Xildhibaanada u gudbiyeen Madaxda dowladda uu ahaa in ugu horeyn Wasiirka uu raalli gelin ka bixiyo.
Wasiir Xoosh ayaa lagu wadaa in kulanka ugu soo horeeya ee Baarlamaanka uu ku hor-yimaado, si uu raalli gelin uga bixiyay hadaladii carada dhaliyay ee bartiisa Facebook ku soo qoray.
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa caqabad xooggan kaga imaaneysa Baarlamaanka, iyadoo haatan u muuqato in aanay aqlabiyad ku laheyn Baarlamaanka, marka loo eego Xildhibaanada dhaliilsan Xukuumadda.