Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiiro, Xildhibano iyo mas’uuliyiin kale ayaa saaka salaadii Ciidul Adxa boqolaal shacab kula dukaday Masaajidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.
Madaxweynaha ayaa salaada kadib waxaa uu hadal u jeediyay bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu Madaxweynuhu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in bulshadu is cafiyaan, iyadoo laga faa’iideysanayo munaasabada ciida.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed ciidan, waxaana uu Alle uga baryaya ciidan teeda kale inuu ku gaarsiiyo nabad, bash bash iyo barwaaqo.
Wadooyinka ayaa waxaa isugu soo baxay daweyne fara badan, waxaana masaajidada laga maqlayay Takbiirta, waxaana ciidan ay dadka ahaayeen kuwo u sii diyaar garoobay.
Salaada kadib ayaa waxaa la gowracayay Xoolaha Udxiyada oo dadku ay sadaqeysanayeen, waxaana maalmihii u dambeeyay saxmad laga dareemayay suuqyada lagu iibiyo xoolaha oo dadku ay xoolo iibsanayaan, waxaana qiimaha xoolaha lagu iibiyo uu ahaa mid sare u kacay.
Ciidamada ammaanka ayaa taagnaa wadooyinka, waxaana ay sugayeen amniga, sidoo kale dadweyne fara badan oo isugu jiray caruur iyo dad waa weyn ayaa si raxan raxan u marayay wadooyink, iyagoo aad ugu faraxsan Ciida, waxaana dadka lagu wadaa inay dareeraan Xeebta Liido, halkaasoo kumanaan ruux ay u damaashaad tagayaan.
Dhinaca kale waxaa si aad ah looga ciiday Gobolada dalka, maadaama ciidan ay ka duwan tahay ciidaha kale ee la isku khilaafo ayaa waxaa meelaha saaka laga ciiday ka mid ahaa Gobolada Koofurta, iyo Bartamaha, deegaanada Puntland iyo Somaliland.
Idale News Online, Muqdisho