Wararka naga soo gaaraya Magaalladda Kismaayo, ayaa sheegaya in Habeennimadii xalay Madaafiic lagu garaacay Aqalka Madaxtooyada Kismaayo.
Xilliga Madaafiicda lagu garaacayay Madaxtooyada Kismaayo, ayaa waxa ay wararku sheegayaan inay ku sugnaayen Madaxweynaha KMG Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi,mana cadda Khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi.
Dhanka kale, waxaa Madaafiic ceynkaasi ah lagu weeraray Garoonka diyaaradaha Magaalladda Kismaayo xilli ay halkaasi ku sugnaayen Saraakiil AMISOM ah, iyadoona aan weli si rasmi ah loo xaqiijin Khasaaraha labadaasi weerar kazoo gaaray Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Maamulka KMG Kismaayo.
Weerarka ayaa waxa uu imaanaya Xilli maalinimadii shalay Weerar ismiidaamin ah lala beegsaday Wafdi uu horkacaayay Madaxweynaha Maamulka KMG Jubba.
Idale News Muqdisho