Maamulka iyo Shaqaalaha warbaahinta Idale News Online ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubka Islaamka ugu hanbalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga.
Sidoo kale Maamulka Idale News Online ayaa Sheegay in Cidda Fidrigu tahay munaasabad sannadle ah oo dadka Muslimiintu ku soo afmeeraan bisha barakaysan ee Ramadan, iyagoo farxad iyo damaashaad ku sagootinaya bisha Barakaysan ee Ramadaan .
Maamulka sare waxa uu Idin Leeyahay i” Hanbalyo,waxaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hanbalyeynayaa munaasabaddan Ciiddul Fitriga, waxaan idiin rajaynaynaa inaad nabad iyo farxdad ku ciiddaan. Waxaan ka soo baxnay bil barakaysan oo cibaado, inagoo ku soo khatimayna munaasabaddan farxadda leh.
” Waxaan shacabka Soomaaliyeed leeyahay ciiddan ciideeda ku gaara nabad, horumar iyo barwaaqo. Waxaan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqayaa inay is gacan qabtaan oo is taakuleeyaan.
Idale News Online, Baydhabo Janaay.