Maamulka Puntland State oo Soo Dhaweeyey Isus Soo Dhiibista Maxamed Saciid Atam.

0
202

Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali “Gaas” ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu isku soo dhiibay hogaamiyihii Ururka Alshabab u qaabilsanaa buuraha Galgala ee Gobalka Bari Maxamed Siciid Atam. 

C/weli Gaas madaxweynaha maamulka Puntland Maxamed Siciid Atam ayaa ku tilmaamay mid wax badan ka badali karta Alshabab waxa uuna intaasi ku daray in ay Fududeyneyso in Al-Shabaab ay Burburaan.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa Sheegay in tani ay muujineyso taag darrida iyo burburka Ururka Al-Shabaab, wuxuuna soo dhaweeyay tallaabada uu Atam isugu soo dhiibay dowladda.

Maanta ayay ahayd markii uu Dowlada Federaalka Soomaaliya isku soo dhiibay hogaamiyihii Ururka Alshabab u qaabilsanaa buuraha Galgala ee Gobalka Bari Maxamed Siciid Atam.

Gaas

Idale News Online, Garawe,Nagala Soo Xarriir Email: Idalenewsonline@gmail.com