Maamulka Puntland iyo dowladda Kuweyt oo kala saxiixday hashiis garoon dhisid (SAWIRRO).

0
184

Heshiiska ayaa,waxaa goob joog ahaa oo u saxiixay Puntland Wasiirka Maaliyadda Dr Shire Xaaji Faarax  iyadoo dhanka Kuweyt-na ay Saxiixday Shirkadda qandaraaska  dhismaha qaadatay  ee Marco ee u hoggaaminayey Nabiil.

Waxaana sidoo kale halkaasi goobjoog ka ahaa  isku xiraha Kuweyt iyo Puntland Faysal Xawar iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Generaal Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde).

Faysal Xawar oo halkaas khudbad dheer kasoo Jeediyey ,isaga oo sheegay in heshiiskan iyo Saxiixan uu laf-dhabar u yahay dhisitaanka labadaasi goobood.

Waxaana uu sheegay in dhaqaale ahaan ay ku bixi doonto lacag gaareysa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Garoowe  6-milyan oo doolar,halka Jaamacada Maakhirna ku bixi doonto 4-milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Dhanka kale Nabiil oo kamid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Shirkadda Marco ee qandaraaska dhismaha qaadatay  ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin isla markaana balanqaadayaan in hawshan sida ugu dhakhsiyaha badan u dhameyn doonaan.

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) oo isna hadal kasoo Jeediyey madasha ayaa sheegay in heshiiska uu aad usoo dhaweynayo mashruuca ay dowlada Kuweyt ugu deeqday ,wuxuuna xusay in si wanaagsan loo qaban doono mashruucan.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Shire Xaaji Faarax oo qalinka ku duugay heshiiska ayaa sheegay in labada mashuuc uu muhiimad weyn ugu fadhiyo Shacabka Puntland isla markaana dhaqaalaheeda iyo waxbarashadeeda intaba.

Xafiiska Warfaafinta Maaliyadda Puntland.

 

Idale News Online, Putland.