Muqdisho(INO)-Falanqeyn aad u xiiso badneyd oo ay qabatey Idaacada VOA loogana hadlaayey xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan dhismaha maamulada federaalka iyo higsiga 2016, kana wada qeyb-qaateen wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta dhaqanka, hiddaha iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, Xildhibaan C/laahi Goodax Barre, iyo Eng Yariisoow, ayaa soo jiidatey dareenka inta badan dadka Soomaaliyeed ee u heelan in ay Soomaaliya u baahan tahay maamul cadaalad ku dhisan oo dadka Soomaaliyeed ay dhistaan si wadajir oo aan eex iyo faragalin ku jirin, hase ahaatee waxay dhanka kale ka careysiisay maamulka kmg ah ee Jubba oo iyagu falanqeyntaasi ku tilmaamey in doodu ay hal dhinac aheyd isla markaasna maamulada Jubba, Koonfur Galbeed iyo Puntland meel aan wanaagsaneyn la dhigay.
Shabakada Dhanaan Media oo ku hadasha codka maamulka Jubba oo maqaal ay kaga hadleyso falanqeynta dooda VOA ayaa tiri sidaan:
Waxaa lagu amaanay gobolada dalka qaar iyada oo lagu dhaleeceeyay qaar kale.
1-Waxaa marka hore barnaamijka lagu dhaleeceeyay dowladihii rayidka ahaa ee dalka soo xukumay Xoriyadda ka dib, oo la yiri, cadaalad darradi ay sameeyeen ayaa dhalisay burburka soomaalia.
2- Waxaa si guud loogu dhaleceeyay Dowladaha deriska ah, oo loola jeedo Itoobiya iyo Kenya, oo lagu eedeeyay in ay faragelin ba’an ku hayaan dalka Soomaaliya.
3- Waxaa si gaar ah loo dhaleeceeyay, dowladda Itoobiya, Puntland, Koonfurgalbeed, iyo Jubbaland, iyada oo barnaamijka si aad ah loogu amaanay maamulka Galmudug. Dhammaan maamulada ka jira dalka ayaa lagu tilmaamay sharcidarro, marka laga reebo maamulka hadda loo fadhiyo Cadaado ee Galmudug, oo la shegay in uu yahay, maamulka Keliya ee cadaalad iyo Soomaalinimo ku dhisan, islamarkaana ay dhisatay Soomaali, loona baahan yahay in maamulada kale ay ku deydaan.
4- Barnaamijkan oo aad mooday in si gaar ah loogu sii faquuqay maamullada Jubbaland iyo Koonfurgalbeed, ayey doodayaasha sheegeen, in ay waajibtahay in dib loogu noqdo, dibna loo saxo, maadaama sida ay sheegeen lagu dhisay sharci darro.
5- Waxaa barnaamijka si guud loogu dhaleeceeyay, booqashooyinka madaxda Soomaalida ee dalka Itoobiya, siiba booqashada hadda ay ku joogaan madaxweyne Axmed Madoobe iyo Shariif Xassan, oo si adag loo dhaleeceeyay.
6- Waxaa loogu dhaleceeyay Nidaamka guud ee federaaleynta dalka Soomaaliya, oo lagu tilmaamay, mid dalka lagu kala googooynayo.
7- Waxaa sidoo kale barnaamijka lagu dhaliilay Urur goboleedka Igaad.
8- Waxaa lagu muujiyay riyo ah, in wax loogu yeeray “gobolka NFD iyo Soomaligalbeed oo loola jeedo DDSI, dib loo soo celin doono mustaqbalka, iyada oo la daliishanayo wareysi hadda ka hor BBC la yeelatay nin magaciisa lagu sheegay DEEQOOW, oo la sheegay in uu ka tirsanaa dhaq-dhaqaaqii Kenya lagu diidanaa ee lixdamaadkii ka socday gobolka Waqooyi bari Kenya.
9- Waxaa barnaamijkan si gaar ah baaq loogu diray gobolada Gedo iyo Shabeelada hoose, oo loogu dhiiri geliyay in ay ka fallaagoobaan maamullada ay ka tirsan yihiin, ee Jubbaland iyo Koonfurgalbeed, iyada oo loo ishaaray in ay hoos yimaadaan Muqdisho.
Isku soo xooriyoo, barnaamijkan oo cinwaankiisu aha xorriyadii lixdan kii, islamarkaana loo baahnaa in looga hadlo wax umadda anfacaya, ayaa ku soo gabagaboobay xagxagasho iyo dhaleeceyn loo jeediyay umad soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa meel ka dhac lagu sameeyay abaalkii dowladaha deriska ay soomaalida ku lahaayeen, iyo weliba Ururka IGAD iyo guud ahaan beesha caalamka.
Dhanka kale, 26 Juun oo ah maalin aad u weyn, islamarkaana ah maalinkii calanka soomaaliyeed laga taagay gobolada waqooyi waxay ahayd in barnaamijka lagu martiqaado dad ka soo jeeda gobolada waqooyi.
Waxaa kaloo loo baahnaa, in dadka lagu martiqaadayo barnaamijka 26 juun ay noqdaan dad u qalma, da’aahaan, aqoon ahaan iyo Khibrad iyo waaya aragnimo ahaan in taba, islamarkaana ka taariikheyn kara dhacdooyinkii xilligaas dhacay.
Ka qeyb galka barnaamijkan uu ka qeyb galay wasiiru dowlaha warfaafinta DFS, iyo weliba in uu ka qeybqaatay dhaleeceeynta baahsan ee loo jeediyay qaaar ka mid ah deegaanada dalka, iyo weliba dowladaha deriska ah , waa arin xiisa gaar ah leh.
Haddaba Waxaa is weydiin mudan, maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubba ma yihiin kuwa rabitaanka dadkooda ku yimid, mise faragalin iyo musuqmaasuq oo dadku Soomaaliyeed guud ahaan wada qirsan yihiin ayey ku yimaadeen, miyeysan aheyn in runta laga sheego waxii dhab ah ee Soomaali ku gaari karto horumar iyo degaanaan waarto in ummadda Soomaaliyeed loogu hiiliyo. Jawaabta Su’aashaasi dadweynaha samaha jecel ayaa leh!!!
Idale News ONline