Muqdisho(INO)-Tan iyo markii ay dhalatay sanada 2015-ka ayaa waxaa soo ifbaxaayay xurguf Siyaasadeed ka dhex taagan Madxaweynaha Dowlada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Dowladaha Mareykanka iyo Britain.
Waxaa isa soo taraayo cadaadinta ay Dowladahaasi tunka weyn ku hayaan Dowlada Somalia oo miisaankeeda hoos uga sii dhaceyso halkii ay taagneyd waxaana soo baxaayo dhaliilo is xigxiga uu Xassan Sheekh kala kulmaayo Beesha Caalamka oo aan ku qanacsaneyn sida ay howsha u wado Dowlada Somalia.
Madaxweyne Xassan ayaa waxaa si isdaba-joog ah usoo gaarayo warqado ka imaanaya Dowladaha Mareykanka, Britain kuwaasi oo ku qotoma deyrinta hanaanka Dowlada Federaalka ay xiligaani ku dooneyso inay kusii maamusho dalka Somalia oo marba marka xiga sii galaayo marxalado adag oo dhan waliba leh.
Madaxweyne Xassan ayaa inta badan lagu eedeynayaa inuu wax muuqda uusan kusoo biirin dalka Somalia tan iyo markii uu ku guuleystay Doorashada Somalia oo ay ugu horeyso Isdabamarinta iyo in Howlaha dowladiisu ay kusoo idlaatay Buuq Siyaasadeed.
Cadaadinta Xassan ka saaran Beesha Caalamka ayaa waxa ay sababtay in Hakat uu galo Safaradii uu ku gaari jiray wadamada Reer Galbeedka iyo inta badan dalalka Carabta oo iyagu u jilicsan awaamirta Mareykanka iyo Britain waxaana jiro xogo sheegaya in Madaxweyne Xassan si KMG ah looga hakiyay dafaradii badnaa ee uu ku gaari jiray dibadda markii laga reebo kuwa muhiimka ah ka qeybgalkiisa looga maarmi waayo.
Waxaa hoos u dhac ku imaaday Siyaasada, dhaqaalaha ka imaan jiray dibada, waxa ayna dhamaan arrimahaasi muujineysaa halka uu maraayo qunyar socodnimada Dowlada Somalia.
Sidoo kale, Beesha Caalamku waxa ay ka fikireysaa sida Madaxweyne Xassan looga saari lahaa tartanka Mas’uuliyiinta la filaayo inay isu sootaagan doorashada ka dhici doonta Somalia, waxa uuna dhankiisu ku adkeysanayaa inuu kasoo dhex muuqdo Musharaxiinta, inkastoo ay taasi soo kordhin karin rajada lagu doonaayo in Somalia ay ka hanaqaado heerka ay taagan tahay.
Waxaa go’ay calaaqadii Madaxweyne Xassan kala dhexeysay Saaxiibadii la daadihin jiray Siyaasada dalka, waxaana gooni u goosat noqday Xassan oo ay xaajadu ku adagtahay.
Ugu dambeyntii, dhamaan arimahaani oo idil ayaa waxaa ay horseedeysaa in Madaxweyne Xassan uu ka calool goosto hamigii ahaa inuu ku dhex milmo Siyaasada Somalia.
W/Q Maxamed C/qaadir ”Mooshin”
Idale News Online, Muqdisho