Wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka KMG ah ee Jubba Cabdiqani Cabdi Jaamac ayaa sheegay inuusan xilli dhow ku wareejinayn dowladda federaalka Soomaaliya maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Jubba, Cabdiqani Cabdi Jaamac oo wareysi siiyay idaacadda Kismaayo ayaa sheegay in wareejinta maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo ay ka horeeyaan hirgelinta dhammaan qodobbadii heshiiskii Addis Ababa ee dabayaaqadii August ee sanadkii la soo dhaafay ay gaareen maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
“Dadku waxaysan fahmin heshiisku ma ahayn meesha aad rabto inaad ka xulatid oo aad la booddid oo aad dhahdid tan ayaan ku dhaganahay, heshiisku wuxuu ahaa xirmo qodobo ah oo isla socda, una baahan in la hirgeliyo dhammaantood” ayuu yiri Cabdiqani oo intaasi ku siidaray .in ilaa hadda la qaaday hal tallaabo oo ah dib u heshiisiinta, taas oo wejigeeda koowaad lagu qabtay Muqdisho, balse wejigii labaad aan wali lagu qaban magaalada Kismaayo.
Qodobbada aan wali la fulin waxaa ka mid ah u diyaarinta maamulka KMG ah ee Jubba sidii uu u noqon lahaa dowlad goboleed buuxa oo rasmi ah, soo xaraynta ciidamada iyo isku dhafiddooda iyo sameynta xarumihii lagu xareyn lahaa ciidanka, wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka jubba waxaa kale oo uu sheegay in Hardankii siyaasadeed ee ka dhex billowday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhibaatada amni-darrada ee ka jirta Muqdisho inay sabab u yihiin dib-u dhaca ku yimid hirgelinta qodobada heshiiska Addis Ababa.
“Dowladdu way nala qaadi wayday tallaabooyinkii aan rabnay inaan isla qaadno. Duruufaha ayaga dhexdooda ka jiray dartood uma aanay saamaxeyn inay wax nala qabtaan. Way fulin waayeen tallaabooyinkii loo baahnaa, marka arrinta dekedda intaas oo dhan marka la fuliyo ayay ahaan lahayd in wada-hadal laga sameeyo,” ayuu yiri Cabdiqani oo intaasi ku daray in dekedda kismaayo loona baahan yahay in hab shaci loo helo marka hore nidaamka dekedaha soomaaliya lagu maamulayo aysanna jirin wax ku gaar ah dekedda Kismaayo, maanta oo Khamiis ah ayay ku eg tahay muddadii lixda bilood ee loo qabtay in lagu hirgeliyo dhammaan qodobbadii heshiiska Addis Ababa, iyadoo qodobbada uu ku jiray qodobka wareejinta maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo oo lagu wareejinlahaa dowladda Soomaaliya.
Idale News Online, kismaayo.