Maamulka Jubba oo lagu eedeeyay in Ciidamo ka bar bar dagaalama Puntland ay u daabuleyso Mudug

0
230

kismaayo ( INO)-Cabdirashiid Macallin Gaas oo ka mid ah Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyay Maamulka Jubba in Ciidamo ay u daabulayaan Gaalkacyo si ay uga bar bar dagaalamaan Ciidamada Puntland.

“ aniga ma ku dhahaayo waa la qaaday laakiin waxaan la socdaa in lagu uruurinayo garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo lana doonayo in la geeyo Gobolka Mudug si au u xoojiyaan Ciidamada Puntland” ayuu yiri Cabdirashiid Macallin Gaas.

Dhinaciisa Wasiirka Warfaafinta Jubba Cabdinuur ayaa  wax lagu weydiyey eedeymaha maamulkooda loo jeediyay ayaa iska fogeeyay wararkaasi isagoo ku tilmaamay kuwa ka fog xaqiiqda.

“ dadka waxaas idiin sheegaya waxa ay u adeegaan aragti shisheeye , mana yaqaanaan beni’aadanimada” ayuu tiri Cabdinuur Wasiirka Warfaafinta Jubba.

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa ku sugan Magaalada Gaalkacyo isagoo kadib dagaalkii Gaalkacyo u ambabaxay Magaalada Garoowe ee xareunta Maamulka Puntland.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here