QM oo sheegtay in 40,000 oo qof ay ku barakaceen dagaaladii Gaalkacyo

0
210

Nairobi ( INO)-Xafiiska isku xirka howlaha gargaarka beni’aadinimo ee  Qaramada Midoobay ee Somalia UNOCHA ayaa sheegay in ilaa 40,000 oo ruux ay ku barakaceen dagaalkii dhawaan Magaalada Gaalkacyo ku dhex maray ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska UNOCHA ayaa lagu sheegay in ilaa 30 ruux ay dagaalkaasi ku geeriyoodeen sida wakaalada wararka ee Xinhua uu us heegay stephane dujarric oo ah afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay.

Mr stephane  ayaa intaasi ku daray in qaar ka mid ah hay’adaha maxaliga ah ee ka howlgala Magaalada Gaalkacyo ay howlo samata bixin ah ka wadaan Magaalada Gaalkacyo.

Ocha ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadki rayidki ahaa ee ka qaxay Magaalada gaalkacyo ay rasaas habow ah ku haleeshay duleedyada magaaladaasi

Xafiiska isku xirka  gargaarka Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa sheegay in qoysaska barakacay ay u baahanyihiin in la garsiiyo gargaar deg deg iyadoo dhibaatooyinka ugu badan ee haysta ay tahay dhinacyada hoyga iyo helitaanka biyo nadiif ah.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here