Galkacyo(INO)-Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur oo ka badbaaday qarax miino oo gaarigiisa loo dhigey ayaa sheegey in amniga gobolka ay aad oga shaqeeyeen, balse waxa uu qirtey in sirdoonka iyo helista xogta dadka wax haleeynaya uu aad ugu yaryahay.
Waxa uu taasi u sababeeyey dhaqaale xumada, isaga oo dhanka kale dadka ugu baaqay in aysa cabsi darteed oga tagin deegaanadooda, taasi badalkeedana ay la diriraan waxa uu ugu yeerey argagixisada.
“Waa dhuumaaleysi, waxayna doonayaan kaliya in ay muujiyaan in meesha aysan amni ahayn” ayuu yiri.
Mar uu ka hadlayay xaaladiisa caafimaad ayuu yiri ‘Waan caafimaad qabaa , wax I gaaray ma leh, aniga iyo labadii qof ee ila socotey” , sidoo kale waxaa jirey dad shacab ah oo ku waxyeeloobey qaraxa , wuxuuna ka yiri “qarax labaad ayuu ahaa, markii dadka meesha kusoo shamuumey aniga la’iga kaxeeyey oo isku duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka uu gaari igu qaaday, dadkii shacabka ahaa ee meesha kusoo shamuumay ayaa qarax labaad uu ku dhacay, 8 qof baa dhaawacantaya”.
Weerarka lagu qaaday mas’uulkani ayaa imanaya xili habeen hore weerar kale lagu dhaawacay .
Idale News Online, Galkacyo.