Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho Oo Wadnaha Farta Ku Haya,Sababtu Maxay Tahay?

0
207

Muqdisho(INO)-Waxaa hadda soo badanaya walwalka ay qabaan Gudoomiyeyaal degmo oo aad u badan, kuwaa oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Muqdisho

Muungaab oo xilkiisa hadda gabagaba uu yahay ayaa la sheegayaa in uu bilaabay inuu soo jeediyo xil ka qaadista gudoomiyeyaal dhowr ah.

Waxaa hadda xilalkoodii waayay gudoomiyeyaasha Hodon iyo Dharkeenley, waxaana wararku ay sheegayaan in ay ku xigeen gudoomiyeyaal ay ka mid yihiin Hilwaa iyo Kaaraan.

Tani waxa ay keentay in gudoomiyeyaal badan ay wadnaha farta ku hayaan, kana baqaan in xilka laga qaado, iyadoo sababta xil ka qaadistooda aan la ogeyn.

Hadaba Muungaab ayaa seefta sii saaraya gudoomiyeyaashaan xilli isaga khudhiisa la sheegayo in xilka laga qaadayo dhawaan.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here