Maamulka Gobolka Banaadir oo u amray milkiilayaasha guryaha faras magaalada Muqdisho iney dayactirtaan haddii kale lagala wareegi doono

0
209

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu hanjabay milkiilayaasha guryaha ku bur buray dagaaladii sokeeye ee dalka inay kala wareegi doonaan hadii aanay muddo saddex bilood ku dhisin.

Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan ayaa sheegay in wareegto ka soo baxday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan lagu amray dadka leh guryaha bur bursan ee ku yaala meelaha faras-magaalaha inay muddo saddex bil ku dhisayaan, hadii kale ay kala wareegayaan.

tarsan

“Waxaa fareynaa guryaha bur bursan milkiilayaasha leh inay dhisaan, hadii kale lagala wareegi doono, waa in ilaa saddex bil gudahood ku dhisaan, cidii ku dhisi weydo waa lagala wareegayaa”ayuu yiri C/kaafi oo ka hadlayay wareegtada ka soo baxday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Guryaha ku yaal laga bilaabo Baar Shabelle, Bankigii Dhexe, Baar Minishiibiyo, agagaarka Hotel Curubo ilaa Saldhiga Afar Irdood guryaha ku yaal oo ah kuwo aad u bur bursan dadkii lahaa ay dayactiraan, si loo soo celiyo bilicda magaalada.

Guryahan oo ku yaala degmooyinka Xamar Weyne iyo Shingaani ayaa u badan goobo ganacsi oo aad looga dukaameysan jiray xilligii dowladii Siyaad Barre, waxaana guryahan ay ku bur bureen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay ka jiray dib u dhis ballaaran, tan iyo markii Al-Shabaab ka baxday sanadkii 2011 waxaa magaalada ka dhacay is bedelo ballaaran oo si guud ah u saameeyay caasimada, isla markaana labaatan sano kadib dib u soo laabatay bilicdii magaalada lagu yaqiin.