Maamulka Degmada Xudur oo shacabka Ugu digey inay u hogaansamaan amaradda Al-shabab.

0
215

Xili Maalmihii lasoo dhaafay ay soo shaac baxeen warar sheegaya in ganacsatada gobolka Bakool ay Al Shabaab uga digeen in ay adeegyadii aasaasiga u ahaa nolosha gaarsiiyaan degmooyinka Xudur iyo Waajid ee gobolkaasi dhawaanna soo galay gacanta dowlada ayaa arintaas waxaa ka hadlay oo digniin kasoo saaray Maamulka degmada Xudur.

Maxamed Macalin waa gudoomiyaha degmada Xudur ee dowlada mar uu la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Maamulkooda ay ila gaar ah ku hayaan ganacsatada gobolka oo uu sheegay in ay u muuqdaan kuwa fulinaya amarada kasoo baxa Ururka Al Shabaab.

Wuxuu tilmaamay gudoomiyaha in ganacsatada aan looga dulqaadan doonin in ay ka wareegtaan degmada Xudur oo ay meelo usii gudbaan, sida uu hadalka u dhigay, isagoona xusay in ganacsatadii hadalkooda qaadan weysaa ay Maamulkooda kala wareegidoonaan hantida saaran gaariga uu wato ayna gubi doonaan gaariga, sida uu hadalka u dhigay gudoomiyaha degmada Xudur ee dowlada.

Degmooyinka Xudur iyo Waajid ee gobolka Bakool ayaa dhawaan ka baxay gacanta Al Shabaab oo ay la wareegeen Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya, waxaana xiligaas wixii ka dambeeyay soo ifbaxayay xaalad nolol xumo oo ka taagan deegaanadaasi.

Xudar Hadama

Idale News Online, Xudur.