Maamulka C/raxmaan Faroole oo kasoo horjeystay Shirkii ka furmay Magaalladda Muqdisho

0
188
  index

Sida wararkii ugu danbeeyey ay shegayaan Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah uga soo horjeestay shirka ka furmay Magaalada Muqdisho ee looga hadlayo arimaha dib uheshiisiinta federaalka iyo mustaqbalka dalka Soomaaliya.

Kulanka Shirka jaraa´id oo ay si wadajir ah magaalada Garowe ugu qabteen wasiirada warfaafinta iyo maaliyada Puntland ayaa waxa ay labada ku sheegeen in Puntland ay qaadacday shirka ka furmay magaalada Muqdisho.

Ugu horeyntii ayuu Wasiirka warfaafinta Puntland Axmad Shiikh Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya kaliya uu ku kooban yahay shirka ka socda Magaalada Muqdisho oo aan gaarsiisneyn sida uu yiri deeganada kale ee Soomaaliya.

Wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Jaamac ayaa dhankiisa sheegay Puntland inay xiriirkii kala noqotay dowlada Xasan Shiikh bishii lasoo dhaafay shanteeda,sidaasi darteedna shirka Muqdisho ka furmay aanan lagu casumin dowlada Puntland,cidna aysan ka matalin dadkeeda.

Maamulka Puntland ayaa cadeeyay in waxwaliba oo kasoo baxa shirka Magaalada Muqdisho aysan aqbali doonin.

Maamulka Puntland ayaa muddooyinkaan dambe sii laba jibaaray dhaleeceenta iyo qaadacaada ay ku hayaan Dowladda Soomaaliya ee dalka ka talisa,xilli maamul Gobaleedka Puntland uu yahay maamul Dowladda hoostaga.

Idale News Muqdisho