Seddax muwaadin Somali ah ayaa lagu xukumay min 10 sano oo xarig ah halka muwaadinka afaraad lagu xukumay 8 sano oo xarig ah, sida ay sheegeen goysaska dadka la xukumay, go’aankaasi maxkamada sare ee dalk Malaysia, waxaana lagu eedeeyay afartaasi Somalida ah inay rasaas ku fuereen askar Malaysia ah oo ku sugan gacanta cadan labo sano ka hor.
Axmed Cismaan Jamaal oo 30 jir ah, Cabdi Ciid Xasan oo 22 sano jir ah iyo Cabdixakiin Mahdi Cabdi oo 22 sano jir ah ayaa waxaa lagu xukumay mid 10 sano oo xabsi ah, sida uu ku dhawaaqay qaadi Datuk Mahdi Azman.
Waxii ka dambeeyay sanadkii 2011 waxaa sii kordhay weerarada ay geysanayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana xiligaasi u suuro gashay inay geystay 286 weerar.
Dalka Malaysia ayaan aheyn wadaanka kaliya ee lagu maxkamadeyo burcad badeeda Soomaalida, laakiin wadamada South Korea, Holland, United States of America iyo Kenya ayaa marar badan waxaa ka dhacay xukun burcad badeeda Soomaalo ah lagu fuliyay.
Idale News Muqdisho