Dowlada Fadaralka Somalia ayaa waxaay dhawaan si hoose u magacowday Maamul kmg ah oo ku dhisan nidaamka 4.5 ka ah ee ay ku dhisan tahay Dowlada Fadaraalka Somalia.
Maamulkaan oo qaybtiisa hore ee Jubbada Hoose la Magacaabay balse logu talagalay in lagu shaaciyo Magaalada Kismaayo ayaa waxaa manta soo wajahay fashilkiis ugu horeeyay ka dib marki Diyaaradi siday Gudomiyaha Maamulkaani iyo qaar ka mid ah Xubnaha Maamulkan Cusub lo diiday in ay soo gaca dhigato garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.
- Maamulkaan Cusub ayaa waxaa Gudomiye loga dhigay Masuul ka soo jeeda Beesha Daroood/Absame oo lagu magacaabo Maxamed Amin Sheikh.
- Gudoomiye Ku xigeenka 1aad Gobalka Jubbada Hoose ee dhanka Amaanka ayaa loo magacaabey Shaqsi ka soo Jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ee Jubooyinka gaar ahaan Beesha Hubeer
- Gudomiye ku xigeenka 2aad Gobolka ee dhanka Siyaasada ayaa waxaa laga dhiga Masul ka soo jeeda Beesha Hawiye/Gaaljecel laguna magacaabo Col. Cabaas Maxamuud Cadow
- Gudomiye kuxigeenka Gobolka ee Dhanka Maaliyada waxaa laga dhigay Masul ka soo jeeda Beesha Dir/Biyamaal
- Kuxigeenka Duqa Magaalada ee Dhanka Maaliyada waxaa laga dhigay Hawiye /Sheekhaal
- Kuxigeenka Duqa Magaalada ee Dhanka Siyaaasada waxaa laga dhigay Daarood/Majeerteen.
Xogtaan oo aanu ka helnay xubno ka tirsan Xafiska RW Somalia ayaa waxaay tibaxaysa in aan wali la magacaabin Maamulka Gobolka Jubbada Dhexe balse lagu jiro wadatashigi ugu danbeyay ee lagu magacaabi lahaa maamulkaasi.
Magacaabitaanka Maamulkaan Cusub ee ku dhisan Nidamka 4.5 ka ah ayaa waxaa uu imanaya Xili Shacabka iyo Siyaasiyiinta Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ay shirar lagu dhisaayo Maamul lagu magacaabo Jubbaland State u fadhiyaan dhawana la filayo in ay So dortaan Madaxweynihi hogaamin lahaa Maamulkaasi 3 da Sano ee soo socota.
NB: Warbaahinta Idalenews.com wali waxaay ku daba jirta helida xogtaan oo dhamaystiran waxaana macquul ah in isbadal uu ku yimado qaabka qabilada ay wax u qaybsaden maadaama Gobolka Jubbada hoose lagu kala badan yahay.
Idale News Muqdisho
Muqdisho-Somalia