Lix Wasiir oo taageersan codsiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh u gudbiyey Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa isu diyaarshey inay istiqaaladooda u gudbiyaan….

0
190

Tan iyo markii si rasmi ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu sheegay Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” inuu si hoose oo xilkasnimo ku jirta xilka uga tago, Ra’iisul Wasaaruhuna ka biyo diidey ayaa waxaa xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ka bilowdy kulamo isbada jooga kaasoo madaxweynaha taageero ugu raadinaayo go’aankiisa iyo sida laga yeelaayo diidmada Ra’iisul wasaarahu diidey inuu xilka ka tago.

Dhageyso Hadalweynta Saxaafada Muqdisho ee khilaafkaan cusub[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/Khilaaf-soo-kala-dhex-gale-dowlada-Mobil.mp3]

Ilo Wareed aan ku kalsoonahay ayaa u sheegay Shabakada Idale News Online in ilaa 6 wasiir oo golaha wasiirada Xukuumada Somalia ka mid ah ay diyaarsheen iscasiladooda ayna u gudbin doonaan R/Wasaare Saacid haddii uusan si deg deg ah xilka uga tagin, arrintaasoo culeys ku ah sii jirista xukuumad golaheeda wasiirada seddex meelood labo meel ay iska casileen.

Haddii lixdaan wasiir ay golaha xukuumaddu  iska casilaan taasoo noqoneysa 60% golaha wasiirada, hase ahaateen sida dastuurka dhigaayo ka dhigeysa in haddii golaha wasiiradu sadex qaybood laba ka mid ah ay shaqada baneeyaan golaha xukuumada waa dhaceysaa, inkastoo laga yaabo in fowda ra’iisul wasaare Saacid isna la soo shir tago,  isla markaasina buuxiyo aam  ku soo magacaabo raxan kale oo qorshahoodu yahay “Mar uun wasiir idhaha”. xaalka iyo khilaafka dalka ka jirana meel sare gaarsiiya.

Shakhsi katirsan Xafiiska ra’iisalwasaaraha oo aan magaciisa ka gaabsanay inan baahino ayaa inoo xaqiijiyey in 7 wasiir ay warqadii is casilaada diyaariyeen kuwaasi oo kala ah:

  1. Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan Wasiirka Arimaha Dibada
  2. C/kiriin Xuseen Guuleed Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka
  3. Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Faarax C/qaadir
  4. C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Kheyraadka Dalka
  5. Wasiirka Howlaha Guud, Kaalmooy
  6. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Abyan

Arrintaan  waxay ku soo aadeysaa xilli xurguf siyaasadeed oo aad ubaaxad leh ka taagan tahay madaxtooyada taasi oo ka dhalatay Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaaraha oo is khilaafay.

golaha-wasiirada1

Idale News Online